Home Afsomali Dhageyso Madaxweynaha Gobolada Dhexe oo sheegay in ay Buuxinayaan goobihii ka Baqooleen...

Dhageyso Madaxweynaha Gobolada Dhexe oo sheegay in ay Buuxinayaan goobihii ka Baqooleen Ciidamadii Ethiopia

Codka Linkiga Hoose ka dhageyso 

Maamulka goboladda dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa shaaca ka qaaday iney duulaan ku yihiin magaaladda Ceelbuur.

Magaaladaas ayaa waxaa dhawaan isaga baxay ciidamadii Itoobiyaanka ahaa, waxaana la wareegay kooxda AlShabaab.

Madaxweynaha maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljaamaaca Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in ciidamada maamulka gobolada dhexe ay diyaar u yihiin inay buuxiyaan  goobaha ay soo baneeyeen ciidamada Ethopia ee ku sugnaa degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud, dhawaana isga soo baxay.

Shiikh Shaakir, waxaa uu sheegay inay buuxin doonaan ciidamada Ahlu sunna baahyaha ka jira deegaanadaas, iyagoo kaashanayaa Shacabka ku dhaqan Ceel Buur iyo Degaanada ku dhow, oo uu ugu baaaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Ahlu sunna.

Ciidamada ahlu sunah ayaa haatan ku kala suganqodqod geli jir xeraale dhuusamareb guricel matabaan iyo deegaano kale

Dhinacakale Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe waxaa uu ka hadlay Abaaraha daran eek a jira gobolka,oo uu sheegay in dhibaatooyin dhinaca nolosha ay ka taaganyihiin gobolada dhexe, waxaana uu tilmaamay in dowladii hore ee Xassan Sheikh ay ka gaabisay wax u qabashada dadkaasi, oo uu hada ugu baaqay madaxda cusub ee federaalka inay usoo u gurmadaan dadkaasi.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.