Maxkamadda Alshabaab ee Bay iyo Bakool ayaa xukun qisaas ah ku fulisay nin ay ku eedeeyeen in uu yahay Gacan ku dhiigle lagna magacaabi jiray Aaden Ibraahim Aaden oo haweenay da’ay ah ku dilay deegaan katirsan gobolka Bay, Qaaddiga Maxkamadda ayaa goobta xukunku ka dhacayay ka sheegay in Ninka la qisaasay uu haweenayda weeraray isagoo doonayay in uu kufsado balse ay iska difaacday kadibna uu dhaawacay illaa markii dambe uu kufsaday kadibna Afar mar ku dhuftay Faas sidaasna uu ku dilay.
Haweenayda uu gacan ku dhiigluhu kufsaday kadibna uu dilay waxaa lagu magacaabi jiray Muumino Macallim, ehellada lahaa dhiigga haweenayda ayaa ku farxay xukunka qisaasta ah ee lagu fuliyay Gacan ku dhiigllaha dilka geystay.
Xarakada Shabaabul ayaa gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ka hirgelisay maamullo islaami ah oo tacbiiqiya shareecada islaamka waxayna dadka ku hoos nool maamulladaas ku naaloonayaan Nabad gelyo iyo kala dambeyn.