Home Afsomali Dhageyso Moshin Aan cid ku socon oo Golaha Baarlamanka horyaal

Dhageyso Moshin Aan cid ku socon oo Golaha Baarlamanka horyaal

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Mooshin ku saabsan Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinkaasi ay galabta ka doodi doonaan Guddiyadda Amniga ee golaha Shacabka.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay soo gudbiyeen Mooshinkaasi.

Waxaa uu sheegay in Mooshinkaasi diirada lagu saarayo Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya iyo sidoo kale dowrka Golaha Shacabka.

Mooshinkaan ayaa imaanaya Xilli shalay xilalkii laga qaaday taliyeyaasha Booliska iyo Nabad suggida oo waxqabad xumo lagu eedeeyay.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho ayaa bishaan waxa ka dhacay Qaraxyo ay ku dhinteen dad badan oo Shacab ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.