Home Afsomali Dhageyso Qaar ka mid ah xildhibanada Galmudug oo diiday qorshaha Gudoomiye Cali...

Dhageyso Qaar ka mid ah xildhibanada Galmudug oo diiday qorshaha Gudoomiye Cali Gacal Casir iyo Maxamed Xaashi

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa kulan gaar ahaa ka yeeshay Qorshaha wada hadalka la filayo inay wada yeeshaan Madaxda Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca oo kuwada sugan Magaalada Muqdisho,

Xildhibaanada ayaa kulankooda ku sheegay inaysan sharci ahayn in shaqsiyaad aysan Baarlamaanku ku Ogeysn Matalaada Galmudug ka Degaan Magaalada Muqidisho oo ay sheegtaan Wafdigii Galmudug u Matalayay Wada hadalka Ahlusunna Waljamaaca,

 

Xildhibaan Khaasim Maxamed Cali oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku aysan ahayn shaqsiyaad ku hadli kara Afka Galmudug,

 

Waxa uu Tilmaamay Xildhibaanku in Hadii aysan Arintan ku imaan Hab sharciga Waafaqsan oo aan la soo Marsiin Golaha Baarlamaanka Galmudug inaysan Dhaqan Gelin Doonin Heshiiska iyo Qodsobadiisa,

 

Xildhibaan Khaasim Maxamed Cali ayaa sheegay in Cali Gacal iyo Maxamed Xaashi ay yihiin Shaqsiyaad ka mid ah Maamulka oo aan Tagi Karin Degaanada ay Galmudug ugu Matalayaan Mas’uuliyadda Sidaas darteedna ay ku socdaan Hab sharci daro ah,

 

Xildhibaanka Markii uu kulankooda soo gaba gaboobay ayaa waxa uu inooga warbixiyay Aragtiyada ay ka qaban Qorshaha wada hadalka Ahlusunna iyo Galmudug Qaabkii loo Wajahay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.