Home Afsomali Dhageyso Qarax Gaari loogu xiray oo lagu dilay Cali Magafe ...

Dhageyso Qarax Gaari loogu xiray oo lagu dilay Cali Magafe iyo Sarkaal Bolice oo Sheegey in timaha laga xiirayo dhalinyarada amni dartii

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax markii hore lagu dhaawacay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland balse markii dambe la sheegay in uu dhaawicii soo gaaray uu u geeriyooday.

Sarkaalkaas lagu dilay qaraxaas ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Cali Ibraahim Cali ( Cali Magafe ), dhaawac ahaana  loogu qaaday Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa ugu dambeyn u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa sameeyay baritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay qaraxaas wallow aysan ku guuleysan in ay soo qabtaan.

Qaraxan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland.

Cali Magafe, wuxuuna ka tirsanaa ciidamada Booliska Puntland, xilliga la qarxinaayay gaarigiisa ayaa wuxuu u sii socday goobtiisa shaqada.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Puntland Aadan Nuur Qaal  oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ciidamadu wadaan baaritaano la xiriira sidii lagu ogaan lahaa halka qaraxa looga soo xiray Gaariga taliyaha.

Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegen in qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen isla markaana ay ku dileen taliye ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, kuwaasi oo goobta ka qaaday dhaawaca Sarkaal Cali Magafe, waxayna geeyeen Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu ku geeriyooday.

Qaraxa gaariga loogu xiray Sarkaalkaasi ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ahaa nooca dhajiska loo yaqaan ee Baabuurta lagu xiro.

Al Shabaab ayaa Qaraxyo iyo dilal qorsheysan la eegta Saraakiisha ciidamada Booliska Puntland ee ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale  Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegen in qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen isla markaana ay ku dileen taliye ka tirsan Ciidamada Booliiska Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana

Previous articleShirkii Shaqo la.aanat Dhigay Reer Muqdisho oo la soo gabagabeeyey iyo Qadobadii ka soo baxay ( DAAWO SAWIRADA )
Next articleDhageyso Cododka oo dhameystiran Wasiirka Wasaaradda Difaaca Xukumadda Soomaaliya iyo wafdi ay hoggaaminaysay Safiirka midowga Yurub oo booqday wasaaradda Gashaandhigga.( DAAWO SAWIRADA _

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.