Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Xubno matalayey hey.ada Culumada Somaliyeed ayey kaga soo saareen bayaan ka kooban dhowr Qodob
Kulanka waxaa ka so qeybgalay qeybaha ka duwan ee Bulshada Xubno matalayey hey,adda culumada somaliyeed waxgarad siyaasiyiin aqoon yahano iyo marti sharaf kale oo munaasibada lagu casuumay .
masuuliyiintii kale duwaneyd ee ka hadashay madashay ayaa waxaa ay diirada ku saareen koodada haweenka doorkooda siyaasadeed ee dalka iyo arimaha dorashoyinka waxayna ka digeen in xakunka gacanta loo galiyey shaqsiyaad aan ku habooneyn .
Gudoomiyaha heyada Culuilamada Somaluiyeed sh.bashiir Axmed salaad ayaa si aad ah uga soo horjeestay dadaalka ay haweenku ugu jiraan in ay qabtaan talada dalka wuxuuna sidoo kale ka hadlay cida mudan in la doorto .
Gudoomiye ku xigeenka ahna afhayeenka hey.adda culumada somaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaan ka aamusin isu diyaarinta haweenka in ay qabtaan xilal Muhiim ah wuxuuna walaac xoogan ka muujiyey dadka u tartamaya xilalka sare ee dowlada oo uu shegay in ay tahay arin mudan in laga fiirsado .
Afhayeenka culumada somaliyeed ee Ahlu suna waljameeca sh Caduqaadir sh soomow ayaa sharxay sharuuda ay leedahay cida la dooran karo wuxuna dardaaran u jeediyey gudiga doorashooyinka iyo odoyaasha soo xulista xildhibaanada baarlamaanka .
ugaas Maxamed weli Sheikh Axmed Nuur oo qudbad adhiunacya bada taabaneysa Madsha shirku ka socday ayaa ku dheraaday ka hadalka cadaalada kontada haweenka iyo sidoo kale maamul xumada ka jirta dalka .
Nabadoon Maxamed Binu Cali uunsane ayaa cabasho ka muujiyey dhanka awood qeybsiga iyo qodobo ku jira dasturka dalka oo uu sheegay in sinaanta iyo xaquuqda ay leyihiin shacabku ay ka maqan tahay .
qaar ka mid odoyaasha ayaa soo dhaweeyey qodobada iyo go,aamada shirka ka soo baxay.
ugu danbeytiina warmurtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen ayaa waxaa saxaafada u aqriyey Muuse Axmed Ciise .
Ahmed Muse Hoosh liked this on Facebook.
Jãmá Mõüßē Jmc Qørâh liked this on Facebook.
Maria Maryan liked this on Facebook.