Home Afsomali Dhageyso Shir Kismaayo laga furey si shirka madaxweynuhu u wiiqmo

Dhageyso Shir Kismaayo laga furey si shirka madaxweynuhu u wiiqmo

Culimada Soomaaliyeed ee maalmahanba shirarka uga socday magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen waxyaabaha uu ku saabsan yahay shirkooda.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa shirka Culimada uga socda magaalada Kismaayo waxa ay qaarkood ku sheegeen inuu yahay mid siyaasadeysan, oo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culimada shirkan ka qeyb galaysa oo ka  hadlay  ayaa sheegay shirkan inaanan looga hadleyn arrimo siyaasadeed, balse diirada lagu saarayo keliya wacyi gelinta bulshada.

 Sidoo kale wuxuu sheegay Sheekh Bashiir Axmed Salaad shirkan inuusan aheyn midkii koowaad, balse ay jirtay in la soo qabtay marar badan, laguna soo qabtay gudaha dalka iyo dibadiisa.

Dhageyso halkaa adaa yaabi doontide 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.