Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa caawa ka furmay shirka Maamul goboleedyada, kaasi oo maalmihii dambe ay qaban qaabadiisa socotay.
Shirkan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacayaa Guriga Martida ee Jubbaland,
Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe,ayaa shirkan furay,waxaana goob joog ka ah Hogaamiyaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, iyo Hogaamiyaha koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kan Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyo midka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf,iyo xubno kale oo ka socda Maamul Goboleedyada Dalka ka Jira.
warku wuxuu sheegayaa in wali ay soconayaan Khudbadaha ay ka Shirka ka jeediyaan Shirka Hogaamiyaha Maamul Goboledyada,islamarkaana waxa uuna hoosta ka xariiqay in si habsi leh uu u socdo Shirka,waxa uuna tilmaamay in la filayo in Caawa uu Shirka la soo gabagabeeyo,waxa uu Carabka ku dhuftay in Amaanka Magaalada Kimsaayo aad loo adkeeyay,iyo sidoo kale Wadooyinka la soo dhoobay Ciidamada kala duwan ee Jubbaland kuwaas uu sida tilmaamay Xaqiijinaya Goobta uu Shirka ka socdo.
Hoos ka Dhageyso
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0