Home Afsomali Dhageyso Soomaaliya oo la wareegtay Xeryihii iyo Qalabkii Ciidamadii ay tababartay imaaraadka

Dhageyso Soomaaliya oo la wareegtay Xeryihii iyo Qalabkii Ciidamadii ay tababartay imaaraadka

Ciidammada ay tababareen walaalaha Imaaraadka Carabta oo loogu magac daray guutada Daljir kaddib markii maanta Kuliyadda Tababarada ciidammada ee Jeneraal Goordan uu kormeeray Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hal Guuto oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo u tababaran si gaar ah  ayaa lagu diyaariyey Kuliyadda Jeneraal Goordan oo markii hore aheyd Dugsiga tababarrada ee ay gacanta ku hayeen macallimiin ka socotay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Guutadan ayaa loogu magac-daray Daljir, waxa ayna qeyb xoog leh ka qaadan doonaan  howlgallada ciidanka milatariga Soomaaliya ay wadaan.

Abaanduulaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo kormeeray Kuliyadda Jeneraal Goordaan ayaa shaaciyey in Qalab kala duwan oo ciidan iyo xarumo caafimaad lagu diyaariyey Kuliyadan isla markaana xarun ay u sii ahaan doonto Guutada Daljir ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidammada Daljir ee Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa loo dhameystiray qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen oo ay dowladda Soomaaliya  uga  mahad celisay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Hoos Ka Dhageyso Codka Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.