Home Afsomali Dhageyso turkiga oo dhexdhexaadinayo wadahadala somaliweyn iyo Somaliland

Dhageyso turkiga oo dhexdhexaadinayo wadahadala somaliweyn iyo Somaliland

Hadalkaan ayaa waxaa wrbaahinta u sheegay wasiirka howlaha Guud iyo guryenta Maamulka soomaaliland oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Haregysa kadib markii uu Turkiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas.

Xasan Xasan Maxamed ayaa sheegay in masuuliyiintii uu la kulmay uu kala hadlay marka hore sidii Turkigu uu uga qeyb qaadan lahaa dib-udhiska Soomaaliland iyo sidii uu u siin lahaa taageero dhinac walbo ah.

Waxa uu sheegay in sidoo kale Wasiirka Aarimaha Dibadda Turkiga uu ku wargeliyay in turkigu uu weli diyaar u yahay in ay dib u bilaawdan wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo waliba Maamulka Soomaaliland.

Dhow mar po hore ayaa waxaa wadahadalo Turkiga iyo waliba dalka Itoobiya ay wadahadalo ku dhexmareen masuuliyiin ka kala socotay Soomaaliya iyo waliba Maamulka Soomaaliland kuwaas oo fahsil ku soo dhamaaday.

Jamhuuriyadda iskeed isku Magacaawday ayaa Madaxdii dalka Soomaaliya soo martay waxa ay iskudayayeen in ay ka dhaadhiciyaan in ay wada ahdlaan basle inta badan aan lagu guuleysan basle dowladda hadda jirta ee uu madaxda ka yahay Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaanan weli soo hadal qaadin arrinta ku aadan wadahadlo dhexmara Soomaaliya iyo Madaxda soomaliland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka howlaha Guud iyo guryenta Maamulka Soomaaliland

 

Previous article4 Qof oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
Next articleBanaanbax AMISOM looga soo horjeedo oo ka dhacay Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.