Shiishadaama badeecada ayaa ah qeeb ka mid ah balwadaha waana wax isticmaalkeedu uu ku cusub yahay bulshada dhaxdeeda gaar ahaan dadka Somaliyeed’ waxa xusid mudan in waa yihii dambe ay si aad ah uu u soo badanayay ka ganacsigeeda iyo isticmaalkeeda wallow haatan hoteelada Muqdisho qaarkood si caadi ah looga isticmaalo.
Warbixinta Xasan toop halkaan hoose ka dhageyso
Hotelada, guryaha , baararka ,iyo goobaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan ayaa ah meelaha lagu isticmaalo shiishada ama badeecadda ayna ku biiraan dhalinyaro cusub marka ay arkaan in saaxiibadood dhiiqayaan balwadaan.
Isticmaalka shiishada waxaa qeyb ka ah gabdhaha oo qaarkood si aan ganbasho laheyn ugu caba meelo aan daahneyn .
Dadka weyku kala fikir duwan yihiin isticmaalka maadadan lagu tilmaamo daroogo dalka ku cusub .
Gabar mageceeda qarisay oo aan lahadlay ayaa ii sheegtay in shiishada ay si caadi ah u isticmaasho ayna u aragto cunto caadi ah oo aanu ku jirin daroogo ama maado kale oo caafimaadka wax yeeleysa.
Baaritaan dhinaca caafimaadka ah ayaa lagu ogaaday in shiishada ay tahay maado siyaabo kala duwan uga Qatar badan cabida sigaarka dhaqtar Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa arintani inooga waramay.
dhaqan ahaan maxay arintani ka dhigantay Cusmaan Siidow Cabdi oo ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa qaba inay arintani tahay anshaxumo iyo dhaqan rog dalka ku soo kordhay oo iyaguna wax ka qabasho u baahan
Sheikh Nuur Shekh Abiikar oo ka mid ah culimada diinka ayaa u sheegayshabakada Somalisan in shiishada sida balwadaha kale ay kala mid tahay dhuminta waqtiga khasaaraha qarashka iyo halista caafimaadka sidaasi darteeda shareecada ay arintaasi kasoo horjeedo.
Soomaaliya horay waxa uga jiray isticmaalka balwadaha kala ah jaadka sigaarka xashiishka dawooyinka qaldan koolada calaqa iyo qamriga oo ah qarsoodi balse balwada shiishada ayaa hada si adag ugu soo biirtay dhamaanna maadooyinkaasi waxa la amisanyahay in dhibaato ka weyn tan colaada ay dalka ku hayaan.
https://youtu.be/Z7mcG4NESDM
https://youtu.be/m5Lma7tiNc8
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0