Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya gelinkii dambe ee waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, ay la tashi kula yeelaneysay Wasaaradaha Gaadiidka ee Maamullada dalka, kaasi oo shalay furitaankiisa uu ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Khayre.
Shirkan ayaa maanta inta aan la soo gaba gabeyn waxaa xubnihii Maamul goboleedyada ka socday kormeer ahaan loo geeyay xarunta ay ku shaqeyso Wasaaradda Gaadiidka, Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde iyo xarumaha ay degi lahaayeen shaqaalaha maamulka Hawada ee ka soo wareeganaya Nairobi.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad oo faritaankii shirkan ka hadlay ayaa ku dheeraday qorshayaasha ballaaran ee horyaal Wasaaradda iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo nidaam ay ku wada shaqeeyaan Wasaaradda iyo maamullada dalka, Wuxuna sidoo kale tilmaamay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay xukuumaddu ku guuleystay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hawada dalka oo muddo badan ay maamulayeen sharikado shisheeye.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xirsi Maxamed Rooble oo akhrinayay War-murtieedka ka soo baxay shirka ayaa sheegay shirkan in la isku weedaarsaday baahida jirta iyo joogteynta shirarka nuucaan oo kale ah.
Maamulka hawada sare ee Soomaaliya oo dhawaan ku soo wareegay gacanta dawladda. waxaa ilaa iyo dawlad bur-burkii laga maamulayay magaaladda Niarobi ee caasimadda kenya, waxaana gacanta ku haysay hay’adda Caalamiga ee hawada sare u qaabilsan Qaramada midoobay ee ICAO, oo xarunteedu tahay magaaladda Montreal ee dalka Canada.
https://youtu.be/MkOqPtIk6Bc
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view