Wasaarada Waxbarashada ee Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in ay hakisay xiriirkii ay lala laheyd Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ee Maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shiiqoow ayaa sheegay in ay joojiyeen Wada shaqeyntii ay la lahaayeen Wasaarada Waxbarashada Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya in ay ka jirto maamul xumo baahsan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Galmudug aan wali la soo gaarsiin lacagihii loogu tala galay in lagu qaado imtixaanada Ardayda dugsiga Sare.
Waxa uu sheegay in ay si iskood ah u qaadayaan Imtixaanada isla markaana aysan waxbo ugu baahneyn Dowladda maadaama dhowr jeersida uu sheegay ay u dacwoodeen.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view