Home Afsomali VIDEO Xeer ilaalinta oo Xildhibaan Xasan macalin ku eedeysay Qaran Dumis dalbatayna...

VIDEO Xeer ilaalinta oo Xildhibaan Xasan macalin ku eedeysay Qaran Dumis dalbatayna in xasaanada laga xayuubiyo si xabsiga loo dhigo

 

Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Baarlamaanka golaha shacabka ka dalbaday in ay Xasaanadda ka qaadaan Labo mudane oo ka tirsan golaha Shacabka kuwaas oo lagu eedeeyay Qaran Dumis.

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye iyo Xildhibaan Xasan Macalim Maxamuud ay dalka ka galayn dambi loon baahan yahay in lagu sameeyo baaritaan sidaas darteedna loo baahan yahay in Xasaanadda laga qaado si loola xisaabtamo.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa warbaahinta u sheegay in warqad ay u gudbiyeen Guddoonka Golaha Shacabka taas oo ay ku dalbanayaan in Xasaanadda laga qaado Labada xildhibaan si ay u guda galaan baaritaankooda.

ildhibaanadan ayaa wuxuu sheegay in lagu soo eedeeyay, eeda ah Qaran dumis iyo in dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda Somaliya.

Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye,kuwaas oo lags oo doortay deegaanada Maamulka Galmuudg.

Lama oga sida ay arintaan ku suurta gali doonto, balse arintaan ayaa ku soo beegmeysa xili mas’uuliyiin u badan Xildhibaano lagu xanto ay Laaluush ku soo qaatayn abaabulka mooshin lagu sheegay qaran Dumis.

Marka laga soo tago hadalka xeer ilaaliyaha ayaa waxaa jira xildhibaano mucaarad ku ah dowladda hada jirta,kuwaas oo qaarkood horay u sheegay in ay mooshin ka wadaan Madaxda ugu sareysa dalka.

XILDHIBAANKA KA TIRSAN BFS KU WEYN KARO XUBINNIMADIISA

Qodobka 59aad ee dastuurka waxaa ku qoran sababaha uu Xildhibaan ku lumin karo xubinnimada baarlamaanka federaalka ah

(1)         Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:

(a)        Xubinta oo Geeriyoota

(b)       Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.

(c)        Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.

(d)       Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.

(e)        Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn

(f)        Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.

(2)         Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.

(3)         Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.