Home Afsomali VIDEO Boorame Nimcaan Hilaac hooyadii oo laga Wareysta weerar ay ku...

VIDEO Boorame Nimcaan Hilaac hooyadii oo laga Wareysta weerar ay ku qaadeen Gurigooda iyo banaanbax looga soo horjeedo oo ka dhacay Halkaas

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa weeraray hoyga uu Magaalada Borama ka degan yahay Fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan Hilaac kaas oo dhawaan halkaasi tegay.

Fanaanka ayaa maalma ka hor dhanka Xadka Jabuuti ka soo galay deegaanada Soomaaliland,iyada oo ay siweyn usoo dhaweeyeen taageerayaashiisa.

Wariyayaasha ku sugan Borama ayaa waxa ay soo sheegayaan in Nimcaan ay xariga ka difaaceen Shacabka Borama gaar ahaan taageerayaashiisa oo ahaa kuwii ku soo dhaweeyay Borama.

Dadka difaacayay Nimcaan Hilaac iyo Ciidamada Soomaaliland ayaa lagu soo warinayaa in uu dhexmaray dagaal khasaaro geystay in kastoo ciidamadu aysan ku guuleysan in ay Nimcaan xireen.

Fanaanka Nimcaan ayaa mudo horay ugu sugnaa Muqdisho isaga iyo fanaaniin kale waxaana horay loo xiray fanaaniin Muqdisho yimid markii ay Hargeysa ku laabteen.

Previous articleRaiisal Wasaare Kheyre oo Si aad ah u beeniyey in Mareykanku jaray taageerada dhanka amniga ee la garab taagnaa Dawladda Soomaaliya
Next articleVIDEO Xeer ilaalinta oo Xildhibaan Xasan macalin ku eedeysay Qaran Dumis dalbatayna in xasaanada laga xayuubiyo si xabsiga loo dhigo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.