Madaxweynaha maamulka hirshabeelle uu magacaabay gole wasiiro oo ka kooban 57-Xubnood ayaa waxaa magacaabistaasi dhaliilay oo kasoo horjeestay inta badan mudanayaasha baarlamaanka hirshabeelle.
Kulamo gooni gooni ah ayaa maanta magaalada jowhar ee xarunta maamulka hirshabeelle waxaa ku yeeshay ku dhawaad 80- xildhibaan oo katirsan baarlamaanka hirshabeelle kuwaasi oo kasoo horjeeda habka Madaxweyne Waare uu u maray magacaabista golihiisa wasiirada.
Xildhibaanadan ayaa madaxweynaha hirshabeelle waxa ay ku eedeeyeen in uu u eex-day beelo gaara halka beelaha qaarna uusan siin xilalkii ay u qalmeen.
Xildhibaan Maxamed Nuur Kolombo ayaa sheegay in ku dhawaad 80- xildhibaan ay isku raaceen in aan codka kalsoonida la siin xukuumada cusub ee la magacaabay loona baahan yahay in Madaxweynuhu uu dib ugu laabto xukuumadiisa oo.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in magacaabista golahaan cusub uusan Madaxweyne Waare u marin tastuurka u yaala hirshabeelle loogana baahan yahay in hab tastuuri ah uu usoo magacaabo xukuumadiisa.
wuxuuna intaasi ku daray in wasaaradaha qaar beelo si gaara loo siiyay oo wasiir iyo wasiir ku xigeen,isku beel ah hal wasaarad loo-magacaabay halka uu tilmaamay in beelaha qaar la duudsiiyay xaqii ay lahaayeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka beelaha qaar ee aan ku qanacsaneyn ay wadaan dadaalo ay cadaadis ku saarayaan masuuliyiinta beelahooda sidii ay iskaga casili lahaayeen.
Madaxweynaha cusub ee maamulka hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya xildhibaanada iyo qaar kamida beelaha daga gobolada uu ka arimiyo maamulka hirshabeelle kuwaasi oo aan ku qanacsaneyn qaabka uu xilalka u magacaabay Madaxweyne Waare.
Dhageyso:- Codka Xildhibaan Maxamed Nuur Kolombo oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho