Qaraxii dhawaan ka dhacay Isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay dad ka badan 300-qof oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada ka kooban tahay, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay marka laga soo tago shacabka waxaa ku jiray Masuuliyiin iyo shaqaale kale oo katirsan dowlada Soomaaliya .
Kulan ay isugu yimaadeen Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda ayaa lagu shaaciyay tirada shaqaalaha dowlada Soomaaliya ee qaraxa ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay.
Xiriirka guud ee Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in qaraxa ay ku dhinteen lix kamid ah Shaqaalaha dowlada oo isugu jira masuuliyiin iyo shaqaale caadi ah sidoo kale ku dhaawacmeen 20- kale.
Qaraxii ka dhaca Isgooska Zoobe ayaa ahaa kii ugu xoog badnaa ee taariikhda ka dhaca Soomaaliya, waxaana qaraxan saameynta uu reebay ilaa hada laga dareemayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.