Home Afsomali Dhageyso Xudur oo aan laga cuni karin Jaad lagana mid dhigay Qamri...

Dhageyso Xudur oo aan laga cuni karin Jaad lagana mid dhigay Qamri iyo Daroogo iyo Ciidamada Waxaa lagu gaadaa cunista Qaadka

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Qaadkii la geyn jiray Degmada Xudur laga bilaabo Maanta oo ah 4-Bisha October laga joojiyay islamarkaana lagu Wargeliyay Diyaaradaha Qaadka geeya Magaalada Xudur Ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Maxamed Cabdi Tool Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa sheegay in Diyaaradii keenta qaad Magaalada Xudur la ganaaxi doono Lacag dhan 2 Kun oo Dolarka Mareykanka ah,loona diidi doono in ay ka Duusho Magaalada oo la xanibi doono.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool ma sheegin Sabab rasmi ah oo keentay in Qaadka laga joojiyo Magaalada Xudur ee Caasimad Gobolleedka Bakool.

Degmada Xudur ayaa Mudo dheer waxaa ay ku jirtay Go,doomin ay saareen Al-shabaab,waxaana durba soo baxay Walaac ay Muujiyeen Ganacsatada Qaadka geeya Degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.