Home Afsomali Dhageyso Wasiir Fargeeti oo tilmaamay in ay sharci daro tahay shirkada gaadiidka...

Dhageyso Wasiir Fargeeti oo tilmaamay in ay sharci daro tahay shirkada gaadiidka shaqada joojinta ku kaliftay

fargeeti

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ka dib xili ay shaqo joojin sameeyeen in ka badan kun gaadiidka dadweynaha daabulo ah ayaa Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti sheegay in ay Sharci daro tahay in Shirkad gaar loo leeyahay ay Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ka shaqeeya ay Lacag Ceymis ah ku soo rogaan.

Wasiirka ayaa Nasiib daro ku Tilmaamay in Ceymiskii loogu talo galay in Dowladda Dhexe ay gacanta ku hayso ay hadda iska Maamushaan Shirkado gaar loo leeyhay,taasna ay tahay wax laga Xumaado.

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Maaliyada waxaa u cadeynayaa in aysan jirin shuruuc u ogolaanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay inay shacabka ceymis ka qaadaan, hadana si qasab ah, ma jiro go’aan ka soo baxay labada gole oo shirkad gaar ah lagu dhahay ceymis qaada, ceymiska dowladda ayaa ka mas’uul aheyd”ayuu yiri Wasiir Fargeeti.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdooyinkii maalin hore dhacay, isla markaana aysan raalli ka aheyn, isagoo tilmaamay inay qalad aheyd shirkad aan sharci ku dhisneyn inay shacabka ay si qasab ah ugu soo rogto ceymis qasab ah.

hanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.