Home Afsomali Dhakhtarkii “halyeyga ahaa” oo u dhintay cudurkii dartiis loogu hanjabay

Dhakhtarkii “halyeyga ahaa” oo u dhintay cudurkii dartiis loogu hanjabay

 

haktar u dhashay waddanka Shiinaha oo isku dayay inuu digniintii ugu horreysay kasoo saaro halista caabuqa dilaaga ah ee coronavirus, markii ugu horreysay ee uu dillaacay, ayaa ugu dambeyn u geeriyooday isla cudurkaas oo markii dambe ku dhacay, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.

Li Wenliang wuxuu ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgaleysay isbitaalka guud ee magaalada Wuhan, wuxuuna digniinta ku saabsan cudurkan saaxiibadiisa shaqada u diray 30-kii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Booliska ayaa markaas ka dib ku booqday gurigiisa waxayna ku amreen inuu joojiyo digniintaas, maadaama ay mas’uuliyiintu doonayeen in la qariyo warka ku saabsan caabuqaas cusub.

Coronavirus ayaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 560 ruux, wuxuuna soo ritay dad kor u dhaafaya 28,000 oo reer Shiine ah.

Caabuqan ayaa sababa xanuun saameyn xoog leh ku yeesha habsami u socodka neef mareenka, calamadihiisuna waxay inta badan ka billowdaan qandho, kaddibna waxaa kusii xigsada qufac angagan.

Inta badan dadka uu haleelay ayey u badan tahay inay kasoo kacaan – iyagoo noqonaya sida inuu hargab ku dhacay oo ay ka reysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.