Home Afsomali Dhalinyaro xabsi mareykanka ugu jirtay sharci la.aan oo si tarxiil ah Muqdisho...

Dhalinyaro xabsi mareykanka ugu jirtay sharci la.aan oo si tarxiil ah Muqdisho looga soo dejiyey

 

https://youtu.be/5QQE06L5_E0

Ku dhawaad 100 ruux oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa galabta ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Abaara 03:00 galabnimo ee saacada geeska Afrikada bari ayaa diyaarad siday qiyaastii 80 ruux oo Soomaali ah oo laga tarxiilay dalka Maraykanka waxa ay soo caga dhiagta Garoonka Aadan Cadde.

Dadkan ayaa isugu jiray dad waa weyn iyo dhalin yaro, kuwaasi oo si sharci daro ah ku joogay dalka Maraykanka.

Dadka la soo tarxiilay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sheegay in dalkooda meel uga fiican aysan jirin.

Waa markii ugu horeysay oo dad laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ay ka soo dagaan Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxana ay ku soo aadeysaa xilli uu dalkaasi qabsaday Madaxweyne Trum oo neceb dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.