https://youtu.be/XVESVhLggRY
Ugu yaraan 46 ayaa ku dhintay 300 oo kalena way ku dhaawacmeen dhulgariir ka dhacay jasiiradda Java ee dalka Indonesia
Ugu yaraan 46 qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 5.6 uu ku dhuftay jasiiradda Java ee Indonesia Isniintii.
Goor sii horeysay, sarkaal ka tirsan dowladda, Herman Suherman, ayaa soo xigtay ugu yaraan 300 oo dhaawac ah oo ka dhashay dhulgariirka, wuxuuna sheegay in tiradani ay ka timid hal isbitaal.