Home Afsomali Dhulbahantaha qaatumo ku mideysan oo si cad ula saftay dagaalka tuka...

Dhulbahantaha qaatumo ku mideysan oo si cad ula saftay dagaalka tuka raq maamulka puntland halka Cali Khaliifna u sheegtay in uu yahay Somaliland waa kala maan qabiilka

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Khaatuma Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) ayaa si kulul uga hadlay dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka oo Goordhow shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in Soomaliland ay kusoo gardarootay gobolka sool,isla markaana ay doonayaan in ay xoog ku qabsadaan.

Waa uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalkaas lagu difaacayo gobolka Sool,isla markaana looga soo horjeedo Maamulka Soomaaliland.

Madaxweynihii Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ayaa horay heshiis ula galay Maamulka Soomaaliland balse taasi uu diiday kuxigeenkiisa,oo maalma kahor ciidamo uu wato ay usoo goysteen dhanka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.