Amnigaaga awgii walaal:
1- inta aad ka maarmi karto ha raacin bajaaj oo adeegso basaska caadiga ah.
2- hadey huri weydo, waxaad fiirsataa bajaaj nin da’ weyni wado ama diin ka muuqato.
3- wehel la’aan ha raacin bajaaj, ugu yaraan gabadh kale wehesho.
4- marna ha raacin bajaaj laba nin isla wadaan.
5- marna ha yeelin in uu wadada weyn ka leexdo sabab la’aan.
6- waxaad yeelataa macmiil gaar ah oo marka aad u baahato aad wacato, 2, 3 ama xitaa 4 la yaqaano laguna kalsoonaan karo oo marba kii kuu dhaw aad wacato.
7- ha ogolaan marna in uu qof nin ah uu wadada ka sii qaado isaga oo kuu kireysan.
8- wadaha bajaajka hadii uu taleefan ku hadlo oo uu sheego meesha uu joogo ama uu ku soo socdo, waa dareen shaki keeni kara ee xadar qab.
9- taleefonkaaga qaaligaa, dahabkaaga, iyo wixi kuu muhim ah meel adag gasho.
10- marna ha ka yeelin in uu ku siiyo biyo, nanac, xanjo iyo wax la mid ah.
11- marna ha u ogolaan in uu taleefan ku hadlo, una sheeg in aad ka dageyso haduu taleefanka damin waayo maadaama qaanuunka wadooyinka uu mamnuucayo.
12- taarkada bajaajka sawiro intaadan raacin, sidoo kale lanbarada gudaha uga qoran, lana wadaag ehelkaaga iyo saaxiibadaa in aad soo saaran tahay bajaajka tilmaaantaas leh.
13- ha ogolaan in uu gadaal soo fiirfiiriyo oo uu kula hadlo, wax sheeka ahna ha la furin, si cadna ugu sheeg in uu shaqadiisa ku ekaado iyo in aadan diyaar u aheyn hadalkiisa.
14- hadii uu afduub ama in uu ku qasbo isku dayo, ha argagixin ee isdifaacid u diyaar garoow iyo in aad si dhiiranaan ah isaga dhiciso.
15- haduu hub kuula soo baxo marna ha ogolaan in uu kugu handado, ogowna in uu rabo kaliya cabsi galin, sharaftaadana ku shahiid, marna ha u hogaansamin, hadiise uu rabo in uu wax aad wadato kaliya kaa qaato iska sii oo hala dagaalin.
16- hadey gacan gaarto, waxaad isku daydaa in aad indhaha qalin ama faraha si xoogan uga dhaawacdo, labada gacmoodna aad kaga dhagdo kana mashquuliso in uu sii wado mootada.
17- sanka nabar xoogan uga dhufo, marka horana nin kaa xoog badan bajaaj uu wado haba raacin.
18- hadaad fursad hesho ka carar oo guri ama goob ganacsi oo furan ku carar.
Talada ugu fiican: intaad ka maarmi karto bajaaj ha raacin, wehel la’aanna ha raacin.
NABAD KU WAARA
Dr.Abdalla Abdirahman