Home Afsomali Diiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Diiwaangelinta musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur galbeed ayaà maanta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ku diiwaangelinaya musharrixiinta lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa 4-tii Bishaan shaaciyay liiska lixda kursi ee Maalinta berito ah doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo, kuwaas oo kala ah.

1: Hop#261 oo uu ku fadhiyo Cabduqaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu dhalay Shariif Xasan Sheekh Aadan guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kursigaan doonaya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan loo diiday in uu tago magaalada Baydhabo.

2: Hop#167 oo uu hadda ku fadhiyo Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

3: Hop#168 oo uu ku fadhiyo Xasan Macalin Xuseen.

4: Hop#099 oo ay ku fadhiso Deeqo Xuseen Xasan.

5: Hop#077 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Isgowe Deerow Isaaq.

6: Hop#186 oo uu ku fadhiyo Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale).

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in dhawaan uu soo geba-gabeeyo guud ahaan doorashooyinka Golaha Shacabka ka hor 15 Bishaan oo lagu balamay in la soo geba-gabeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.