Home Afsomali Dil gaadmo ah iyo dhaawac goor dhaweyd Muqdisho ka dhacay

Dil gaadmo ah iyo dhaawac goor dhaweyd Muqdisho ka dhacay

Gudoomiyihii hore Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Daaru-salaam.

Marxuum oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Sheekh Xasan waxaa beegsaday oo dilay kooxo hubeysan oo aan la aqoon waxay yihiin waxaase baaritaano wada ciidamada Dowlada oo goobta gaaray.

Kooxaha masuulkaani hore dilay ayaa sidoo kale waxay dhaawaceen Haweeneey maqaaxi ku lahayd isla deegaanka Daaru-salaam taasoo lagu magacaabo Canab Axmed Cali.

Dilkaan wuxuu ku soo aadayaa xili bilahaan danbe uu aad usoo hagaagaayay amaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan sidii ay u howlgaleen Ciidamada Booliis Milataariya kuwaasoo waxqabadkooda aad looga dareemay guud ahaan caasimada waxaana lagu xasuustaa sidii ay uga adkaadeen kooxihii ciyaar weerarada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.