Waxaa goordhaweyd qarax miino oo gaarigiisa loogu xirey ka badbaaday Mahad cabdi cabdulle oo ka tirsan ciidanka Asluubta
Xaasikiisa oo gariga la saarneyd ayaa Warku sheegayaa in uu soo gaaray dhaawac aad u culus jiraan wax faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxay weli
Dagmad wada jir ayaa waxaa kooxo hubeysani toogasho ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada xooga dalka soomaaliyeed qeybta cafimaadka oo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Cilmi Nuur .
Kooxdii dilka fulisay ayaa goobta ka baxsaday hase yeeshee markii dilku dhacay ka dib waxaa goobta gaaray ciidamada amaanka kuwaasi oo baadigoob ka sameeyey aaga dilku ka dhacay lamina sheegin cid lo soo qabtay in ay dilka ka danbeeyeen
Alshabaab ayaa sheegatay in ay ka danbeeyeen dilka sarkaalka waxaana bartooda internatka ay ku sheegeen in ay iyagu ka danbeeyeen .
Kooxo hubeysan ayaa caawa waxa ay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dileen oday 70jir ah oo si weyn looga garanayay Degmadaas oo lagu magacaabi jirey Maxamed Sheikh Abuubakar waxaana la dhaawaccay xaaskiisii i.
Dilkan oo si gaar ah uga dhacay Buundada Ansalooti ee Degmada Waaberi ayaa waxaa fuliyay Dhalinyaro ku hubeysneyd Bastoolado sida ay sheegeen Dadka Degaanka.
Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Degmada Waaberi, ayaa daqiiqado ka dib gaaray halkii uu falku ka dhacay, xilli ay baxsadeen Dableyda.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view