Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan weerar ka gaysatay gudaha magaaladaasi, waxana la xaqiijiyey dhimashada hal ruux, halka laba kalena dhaawacyo ka soo gaareen weerarkaasi.
Weerarka waxaa ku dhintay nin ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee maamulka Puntland, kaas oo magaciisa lagu sheegay Saleebaan Axmed Shire.
Sidoo kale waxaa la sheegay in weerarkaas dhaawacyo loogu geystay askari ka tirsan ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso iyo qof shacab ah.
Goobjoogayaal ku sugan aaga uu weerarkaas ka dhacay ayaa sheegay in dableydii weerarkaas geysatay ay goobta isaga baxsadeen, isla markaana aan la garaneyn, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.
Weerarka ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii laamaha ammanka Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso ay sheegeen in howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ay kusoo qabteen dad lagu tuhmayo in ay falal amni darro ka sameyn jireen magaalada, isla markaana looga shakisanyahay in ay gacan saar la leeyihiin kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa haatan baaritaano lagu baacsanayo kooxdii geysatay weerarkaas waxa ay ka wadaan gudaha magaalada, iyagoo mid mid u gelaya guryaha iyo xaafadaha looga shakisanyahay in ay ku dhuumaaleysanayaan, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.