Home Afsomali Diyaarad saddex qeybood u kala go’day xilli ay ka soo caga-dhiganaysay Stanbul

Diyaarad saddex qeybood u kala go’day xilli ay ka soo caga-dhiganaysay Stanbul

Diyaarad rakaab ayaa ka baxday dhabaha ay diyaaradaha ka haadaan islamarkana u kala go’day saddex qaybood, xilli ay ka soo caga dhigabaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Saraakiisha dalkaasi ayaa waxay sheegeen in dhacdadaasi uu hal qof ku dhintay islamarkana ay ku dhaawacmeen 139 qof.

Diyaaradan laga lahaa shirkadda diyaaradaha ee Pegasus ayaa sidday 171 rakaab ah iyo 6 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda.

Waxay ka soo kicitintay diyaaradan gobolka Izmir ee ku yaalla galbeedka dalka Turkiga.

Wasiirka gaadiidka Turkiga Mehmet Cahit Turhan ayaa sheegay in diyaaradan Boeing 737 ay xawaaraheeda yareyn waysay ka dib markii ay soo caga dhigatay.

Garoonka uu shilkan ka dhacay ayaa la xiray islamarkana waxaa duulimaadyadii iman lahaa loo leexiyay garooma kale.

Warbaahinta Turkiga ayaa ku waramaysa in diyaaradan markii ay soo caga dhiganaysay uu jiray roob xooggan iyo dabeylo.

Waxay sidoo kale warbaahinta intaa ku dareen in rakaabka saarnaa diyaaradan ay intooda badan ahaayeen muwaadiniin Turkish ah iyo 20 qof oo ajnabi ah.

Barasaabka magaalada Istanbul Cali Yerlikaya ayaa yiri: “Nasiib daro, shirkadda diyaaradaha ee Pegasus ayaa waxay ku taraaraxday dhabaha ay diyaaradaha ka soo xaga dhigtaan taasi oo ay ugu wacneyd hawada oo xumayd.”

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinayay rakaabka oo ka soo boodaya mid ka mid ah duleelada ka dhashay shilkaasi si ay u baxsadaan.

Muuqaal kale oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dab ka kacay gudaha diyaaradda, kaasi oo ay markii dambe damiyeen shaqaalaha dab damiska.

Labadii duuliye oo midkood uu u dhashay Turkiga halka kan kalana uu u dhashay Kuuriyada Koonfureed ayaa dhaawacyo culus ka soo gaareay shilkaasi, sida ay sheegeen warbaahinta.

Xukuumadda Turkiga ayaa imika bilowday baaritaano si loo ogaaday sababta dhalisay shilkani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.