Home Afsomali Diyaarad Siday Saraakiil iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka degtay Hargeysa

Diyaarad Siday Saraakiil iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka degtay Hargeysa

Waxaa  magaalada Hargeysa ee Somaliland gaaray ciidamo Itoobiyaan ah, Sida ay Warbaaginta Risaala u xaqiijiyeen  ilo xog ogaal ah oo ku sugan Magaalaas .

Diyaarad Helikoptar ah oo ay saaran yihiin 20 qof oo isugu jira Ciidamo iyo iyo saraakiil ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa .

Wararka ayaa sheegaya Ciidankan ay ilaalo u yihiin wafdi  ka socda Dawlada Itoobiya oo kuwaas oo dhawaan ku wajahan Magaalada Hargeysa .

Muddooyinkii   dambe Xiriirka Soomaaliland iyo Itoobiya ayaa ahaa mid dar dar ku socday, kadib markii magaalada Addis Ababa uu  dhawaan heshiis uuku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya .

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale sheegaya in saacadaha soo socda  ay  Magaaladaas ku soo wajahan yihiin wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka  Dawlada Itoobiya ahna wasiirka Arimaha dibada ee dalkas kuwaas ooh or dhac u ah wafdi ballaaran oo uu Hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya  Abiye Axmed  oo Soomaaliland u tagaya dhaqalinta Heshiiskii ay  kala saxiixdeen iyaga iyo Soomaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.