Home Afsomali Diyaarad sidda Sheekh Muqtaar Rooboow oo Muqdisho soo caga-dhigatay

Diyaarad sidda Sheekh Muqtaar Rooboow oo Muqdisho soo caga-dhigatay

Diyaaraddii sidday Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Masuur islamarkaana ka soo qaaday Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa Goor Dhow ka soo degatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan C/lle Cismaan Aadan Cadde.

Imaanshaha Sheekh Muqtaar Roobow ee Muqdisho ayaa ka dambeysay ka gadaal markii saakay uu magaalada Xudur kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed, Taliye ku xigeenka NISA, iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa waxaa magaalada Muqdisho la yimid Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed, Taliye ku xigeenka Ciidanka NISA iyo saraakiil kale.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Somaaliya Nuur-diin Yuusuf Abuukar ayaa Radio Kulmiye u Xaqiijiyay in Diyaaraddii Sheekh Muqtaar Rooboow ka soo qaaday Magaalada Xudur ay Garoonka Muqdisho ka soo degtay islamarkaana hadda Rooboow uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliye kuxigeenka NISA Jaamac ayaa la sheegay inay diyaarada la saaran yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo saaka isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garow ugu jirta sidii Wadaadkan ka fallaagoobay Al-Shabaab u soo dhoweyn laheyd, waxaana la filayaa in Magaalada Muqdisho uu ka dhaco kulan u dhaxeeya Mukhtaar Roobow iyo dowladda Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulamada laga soo saari doono war murtiyeed uu Sheekh Mukhtaar Roobow ku cadeynayo mowqifka uu ka istaagay Al-Shabaab.

Wadaadkan ayaa wada hadalo muddo soo socday kaddib, waxaa laga saaray liiska wax loogu yeero Argagixisada iyo lacagihii madaxiisa la dul saaray, kaddib markii uu ka baxay  Al-Shabaab sanadkii 2013, xilligaasoo isaga iyo saraakiil kale ay ka soo horjeesteen Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane.

https://youtu.be/MkOqPtIk6Bc

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.