Diyaarada Turkish Airline oo ka soo duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ayaa soo caga dhigan weyday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Waaxda Hawada Garoonka Diyaaradaha qaarkood ayaa u sheegay Saxaafada in dabeylo xoogan oo jira awgeed ay diyaarada u soo caga dhigan weyday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Dhinaca kale, Ilo wareedyo kale e ayaa sheegay in Diyaarada ay isku dayday in ay ka soo dagto Garoonka Muqdisho laakiin ay caga u bixi waayeen.
Sikastaba, Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sidoo kale sida la sheegay waxaa ku sugnaa Rakaab doonayay in ay raacaan Diyaarada Turkish Airlines, balse Safarkii Rakaabkaasi ayaa dib u dhacay maadaama Diyaarada aysan soo caga dhigan Garoonka Muqdisho.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view