Home Afsomali Doorashada nooca dadban oo  kuraas kamid ah golaha Shacabka  Maanta la qabanayo 

Doorashada nooca dadban oo  kuraas kamid ah golaha Shacabka  Maanta la qabanayo 

Gudiga hirgelinta heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Beledweyne ku qabanaya doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo guddiga horay u shaaciyeen.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in doorashada la qabto, balse dib loo dhigay sababo la xiriira is qabqabsi u dhaxeeyay Guddomiyaha Gobolka Hiiraan & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle balse la xaliyay.

Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaa shalay diiwaangeliyay musharrixiinta lixka kursi, waxaana kuraasta Maanta doorashadooda la qabanayo ay kala yihiin.

1: Hop#003 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

W: Hop#006 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamuud Cabdullaahi Axmed.

3: Hop#022 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo).

4:Hop#031 oo uu ku fadhiyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Xilgaarsiinta Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid )

5: Hop#032 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Xilgaarsiinta Khaliif Cabdi Cumar.

6:Hop#068 oo ay ku fadhiso Faadumo Faarax Ibraahim.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wada dardar gelinta degaan doorashada labaad, waxaana 25 kursi ee taalla Magaalada Beledweyne laga doortay lix kursi oo kaliya Maantana laga dooran doono lix kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.