Home Afsomali Doorasho dad badan haatan waxay mareysaa meel dad badan gobolada qaar cidii...

Doorasho dad badan haatan waxay mareysaa meel dad badan gobolada qaar cidii hesha ayaa madaxweyne Noqoneysa

Xildhibaanada Koofur galbeyd iyo kuwa waqooyi galbeyd oo lagu Loolamaya ayaa dhalisay in shaki ay galiyaan in aanayiyagu heleynin madaxweyne balse ay leeyihiin codkooda siina karaan cidii ay doonaan

Xildhibaanada u matalaya Gobolada Waqooi ee somaliya iyo kuwa Maamulka Koofur galbeyd halkii ay raacaan ayaa kafada Miisaanku u dhacayaa sidaa darteed ayaa xusul Duub ay ugu jiraan madaxda u hanqalka taageysa kurisiga ugu sareeya ee dalka iyo qabaailka ay ka soo jeedaa

Muranka ugu badani hada wuxuu ka jiraa cidii ka qeybgali laheyd xildhibaanada aqalka sare ee Gobolada waqooyi waxaana soo baxaya warar sheegaya in madaxweynuhu diidan yahay in lagu qabto xerada xalane laguna qabto gudaha xerada gaadiidka Bolice ka halka cumar cabdirashiidna u ololeynayo in lagu qabto xerada xalane oo ay dagan yihiin ugu goboleydka IGAD iyo qaramada Midoobey  .

Waxaana hada abuurmay xubno muhiim ah oo kala taageersan

Odayaasha gobolada waqooyi ayaa sidoo kale doonaya in doorashada loo wareejiya xarunta Xalane.

57 xildhibaan ayaa laga doonayaa in ay la yimaadaan gobolada waqooyi inta mataleysa oo labada aqal ah,musharixii helaa codkooda waxay ubadan tahay inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha waana arinta keentay in labada musharax ugu kala loolamaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen xildhibaanada soo baxaya.

Lama oga in gudiga doorashadu aqbali doono soo jeedinta odayaasha waqooyi iyo Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid.

Maamulka Puntland ayaan damiciisu ka marneyn in ay helaan codod la isku haleyn karo waxayna marar badan diidaan in gobolo dhan ay raacaan waqooyiga dalka sida Sool sanaag iyo Ceyn waxaana meel maran soo baxay beesha fiqi shini oo ku dhaxdhintay

Arintu haatan hoos ayey u dhacday waxayna soo gaartay aqyaartii ku talisay in la sameeyo doorasho dad badan masuul kastana wuxuu isla ekeysiinayaa siduu ku heli lahaa kursiga wuxuuna soo daliishanayaa qodobo iyo sharci hoosaad gacan leh

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.