Home Afsomali Dowlada FD ku baaqday in Mudnaan la siiyo go’aankii xildhibaanada Galmudug

Dowlada FD ku baaqday in Mudnaan la siiyo go’aankii xildhibaanada Galmudug

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaa looga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado.

Warkan qoraalka ah oo ka koobnaa ilaa Afar qodob ayaa Dowladda Federaalka waxay sheegtay in ay ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday magaalada Cadaado.

Dowladda ayaa waxa ay sheegtay in ay cambaareyneyso falalka aanan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqday in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

1. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.
2. Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
3. Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.
4. Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay’adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay’adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.