Home Afsomali Bannaanbax ay ka qayb qaateen siyaasiyiin oo ka dhacay Jarmalka

Bannaanbax ay ka qayb qaateen siyaasiyiin oo ka dhacay Jarmalka

Barxadda hore ee baarlamaanka dalka Jarmalka, waxaa isugu soo baxay in ka badan 150,000 oo debedbaxayaal ah, kuwaas oo sameeyey waxa ay ugu yeedheen derbiga looga hortegayo, kooxaha xagjirka ah. Dadkan ayaa ka cabanayey xisbiga Alternative for Germany ama loosoo gaabiyo AfD. Dadka debedbaxayey waxaa ku jiray, siyaasiyiin waaweyn oo u dhashay dalkaas.

Tan iyo badhtamihii bishii January waxaa Guud ahaan dalka JArmalka ka socday debedbaxyo waaweyn, ka dib markii uu bogga Correctiv uu daabacay in siyaasiyiin ka tirsan AfD inay ka doodeen in si khasab ah muhaajiriinta looga saaro dalkaas – xaataa kuwa haysta dhalashada dalka Jarmalka, ka dib kulan qarsoodi ah oo ay bishii November ku yeesheen duleedka Berlin.

Jeannette Gusko oo ka mida madaxda sare ee bogga Correctiv ayaa sheegtay:

“Kooxaha wata aragtida Naziyiinta, deeqbixiyayaashooda iyo siyaasiyiinta AfD waxay ka wada-xaajoodeen sidii Jarmalka looga eryi lahaa malaayiin qof. Arrintan ayaa ah, qodob uu xisbiga AfD doonayo inuu awoodda ku gaadho.”

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz ayaa soo dhoweeyey debedbaxyada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.