Home Afsomali Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kormeeray Isbitaalka Demartimo

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kormeeray Isbitaalka Demartimo

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Safiirka Dowladda Taliyaaniga iyo Agaasime goboleedka Hey’adda iskaashaiga Caalamiga ah ee Taliyaaniga ayaa booqasho u kuur galid ah ku tagay Isbitaalka Demartino ee magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socdey Taliyaaniga ayaa kormeerey qaybaha kala duwan ee Isbitaalka sidoo kalena kulan xog waraysi ah kula qaatay maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka, xafiiska agaasimaha guud ee isbitaalka Demartino.

 

 

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay taageerada Dowladda Taliyaaniga ee Caafimaadka Soomaaliya sidoo kalena bogaadiyay tallaabooyinka yididiilada leh ee uu maamulka Isbitaalka ku horumarinayo adeeg bixinta Caafimaad ee Isbitaalka Demartino u hayo bulshada Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.