Dhabta hadalka sheekada mar baad dhayal umoodaa
Mar ayaad dhunkaal moodaysaa dheeman lacageed .
Mar ayaad dhibkaagaba aqoon kii wax kuu dhimay .
mar ayay dhacdadu ku qabsataa qaaddir kuu dhigay .
mar ayay dheguhu aysan maqal dhawaq walaalkaa..
Dhaayuhu marbay kuu qabtaan dhaanka dibigaale .
Dhimashadu marbay kugu xaq tahay nolosha dhaantaa
Mar kalana adoo dhaxal lahaa baa lagaa dhici..
4taa haddii aan dhig dhigay qaarkalaan dhihiye.
dhanka xamar dhambaal iiga yimi baa idhaawacay .
Dhiigaa ikacay oo hurdaba
dhowr habeen gabay .
dhaliishay ma moogiye
dhabtii waan ka dhiidhiy.
Dhallinyarada soomaliyee
Qolaba dhaan raacday
Dhacdadii lasheegaba kuwaa dhigaya oo taagan
Kuwa dhoofay dhaqankii beddelay oo dharkii nacay.
Kuwa dhiigga daadinahayee
Qoriga loo dhiibay.
Kuwa dhuuni qaatuhu dirsado jirridu ay dhuuqdo.
Kuwa dhoohan ee aan wax garan dhiillada u taagan.
Dhimashada kuwaas aan ka biqin qaraxa loo dhoobo.
Dhalashaba kuwaas aan aqoon qaran dhigaalkiis
Dhugsigii waxbarashada kuwaas abidba aan dheegin.
Intaasoo dhibaata ah kuwaas dhaxalka loo siiyey.
Ayaa dhiigu iikacayayoo
Dhibay naftaydii…e
4taa haddii aan dhig dhigay qaar kalaan dhihiye
Dhambaalkaan idiin qoray akhriya dhuuxa maansada
Dhab ufiirsha sidan aynu nahay ceeb ka dhiidhiya
Inaan nahay laf dhabartii dalkoo dheeman iyo luula
Inaan nahay dhitada subagga iyo dhayda xoorta leh.
Inaan nahay kuwii dhaxli lahaa oday dhamaad jooga.
Inaan nahay kuwii dhulka lahaa
Dhicin lahaa geela.
Inaan nahay kuwii dhoowri laa
Sharafta dhoolkeenna.
Inaan nahay kuwii dhaanka shacab nabadda dhuuxoow
Miyaannaan dhankaas fiirinayn dhacannay waayaabe. ?
4taasi waa dhaalka gabay
Iyo dhigaalkiis e
Maansada dhabtii lama helee waygu soo dhacaye
Dhiiggaa ikacay oo hurdaba dhowr habeen gabaye.
Dhaliishay ma moogiye dhabtii waan ka dhiidhiyaye.
4kalana waa idiin dhitee
Dhoowra dabaday.
Dhankastaba adaa dahab ahoo dhuyac adaygii ah.
Gumaystaha adaa dhicin jiroo tuuray dhagaxiiye.
Sayidkii dhiggaaguu ahaa
Guray dhankaagii e
Dhagaxtuur aduu kaa dhashoo taallo loo dhisay e
Dhalantii SYL aday kuu dhignayd abide.
Dhexda xidhatay xaawo taako oo Dhicisay qaybteede.
Muxuu dhiigga kaaga jaqa hayaa oday dhacsaal jooga.
Dabo dhilif muxuu kuugu diri dhimasho ceebeed??
Dhallinyaro maxaa haatan dhacay waaba dhako faare. ??
Miyeeynaan ka dhiidhiyin xumaha dhawaqa noo yeedhi?
Shacabkaaga oo lagu dhaxladay tiro is dheeraada.
Dhimashada caruurtaan arkoo dhaxantu laynayso.
Deeqada dharkii uu ka dhigay gaalku dhaansanayo.
Miyaanay dhalashada naxigin noo dhaxayn innaka???
4taasi waa dhiiladeen dhoohanoow arage
Dhiigaa ikacay oo hurdaba dhowr habeen gabaye
Dhaliishay ma moogiye runtii waan ka dhiidhiyaye.
Dhegahay furaysteen dhabtii dhallinta soomali.!
Dhawaqayga way wada maqlaan ina dhagaystaane!….
Haddaan dhaho haddaan dhigo haddaan dhiig ku sooqoro.!
Haddaan dhoofsho maansada u dhuro ama dhaliil sheego.!
Haddaan dhiibo caawa iyo haddaan dhowr habeen dhaho. !
Mar haddaanay iga dhuganahayn ama dhegeeynin. !
Mar haddaanay kaba dhiidhiyayn ceebtan noo dhigan. !
Keligay miyaan dhicin karaa dhagar ta waayaabe!
Horumarkaynu waa adoo ra’yigaaga feesbuuk noogu sheega