Home Afsomali Dowlada maleysiya waa sharci daro Xariga Axmed Mustakim Abdul hamid oo...

Dowlada maleysiya waa sharci daro Xariga Axmed Mustakim Abdul hamid oo alshabaab loo heysto

Wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Maleysia ayaa sheegtay inay si dhow ula socota xarigga iyo hannaanka sharciga ah ee loo maray nin u dhashay Malaysia oo la sheegay inuu Soomaaliya u soo galay si uu uga qeybqaato howlaha ay wadaan Al-Shabaab, kaas oo Maxkamadda Ciidamada  Qalabka sida ay dhageysiga dacwadiisa billowday.

Wasiirka Arrimaha dibadda Maleysia Datuk Saifuddin Abdullah ayaa wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta Safaaradda Malaysia ee Khartuum, Sudan, ay koox usoo dirtay Muqdisho si ay u eegaan bad-qabka caafimaad iyo hanaanka sharci ee loo maray xariga  Axmed Mustakim Abdul Hamid.

“Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa la socodka dhacdooyinka kiiska waxayna siin doontaa kaalmada lagama maarmaanka ah iyada oo hubineysa in mar walba la ilaaliyo xuquuqdiisa iyo samafalkiisa iyo inuu helo xukun caddaalad ah oo waafaqsan sharciga.

“Waa inaan ixtiraamnaa shuruucda dalka, waxaana laga yaabaa inaan weyddiisanno wakiillada safaaraddeenna inay ka soo qaybgalaan dacwadiisa maxkamadeed,” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Adeegga Baarlamaanka ee Indera Mahkota.

Goor sii horreysay, Saifuddin wuxuu booqday Guriga Carruurta Rapha iyo Xarunta Daryeelka Carruurta Baahiyaha Gaarka ah wuxuuna u qaybiyey Caanaha Dayaxa iyo Gargaarka Lacagta. – Bernama.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Rag Ajaanib ah oo la Shaqeeynayay Al-Shabaab & Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.