Home Afsomali Dowlada Nabad iyo Nolol oo ka soo horjeesatay in somaliya iyo Ethiopia...

Dowlada Nabad iyo Nolol oo ka soo horjeesatay in somaliya iyo Ethiopia ay shuraako ku noqdaan hal passport iyo bassporka Somalida oo dunida Qiimo ka yeeshay

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ayaa kasoo horjeysatay qorshaha Urur Gobaleedka “IGAD” uu wado oo ah in la furo Xuduudaha,islamarkaan aan fiisa lagu Xirin muwaadiniinta u dhalatay Dowladaha ku midoobay Ururka.

Agaasime Koofi ayaa sheegay in xiligaan Soomaaliya aysan joogin waqti la furo Xuduudaha Sababo dhowr ah oo dalka ka jira, sidaas darteed ayuu tilmaamay inaysan aqbali karin qorshaha dhanka Socdaalka ah ee IGAD, oo ay hormuudka tahay Dowladda Itoobiya oo muran Xuduudeed Taariikh dheer leh  uu kala dhexeeyo.

Taliyaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku jirto Xaalad Amni, sidoo kalena Xuduudaha dalka aysan la heyn difaac, sidaas darteed ayuu qaadacay Shirkii lagu qabtay Muqdisho ee looga hadlayey Xuduudaha Ururka Bariga Africa ee IGAD.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba-gabeynayaa Shir looga hadlayey Socdaalka iyo Xuduudaha Dowladdaha Bariga Africa ee ku midoobey “IGAD”, kaasi oo abaabulkiisa ay la heyd Dowladda Itoobiya oo jeedisay la furo xuduudaha iyo socdaalka aaydoo aan dal ku gal lagu xirayn Muwaadiniinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.