Madaxweynaha lagu muran san yahay xilka uu haayo ee mamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa lagu eedeeyay in wado qaldan uu u marayo wada-hadalada Maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna.
Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cusmaan Dheere oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in hanaanka Xaaf u marayo wada-hadalka uu yahay mid qaldan,islamarkaana uusan haysanin kalsoonida xildhibaanada Galmudug oo dhawaan sheegay in xilkii ka qaadeen.
Sidoo kale Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Galmudug Cusmaan Dheere ayaa ku eedeeyay dowladda Dhexe ee Soomaliya in ay ceeb ku tahay maamuladda Ahlusuna waljameeca iyo Galmudug in shir dib u heshiin u qaban weyso gudaha dalka, iyadoo haatan lagu wada-hadal siinayo dalka Jabuuti.
Ugu dambeyntii Cusmaan Dheere waxa uu sheegay in Natiijo fiican aan laga fileynin wada-hadalka Maamuladda Galmudug iyo Ahlusuna ugu soo gaba-gaboobay Magaaladda Djabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.