Home Afsomali Dhageyso Dowlada Qadar 200 malyuun oo doolar fadhigeeda ugu geysay Soomaaliya si...

Dhageyso Dowlada Qadar 200 malyuun oo doolar fadhigeeda ugu geysay Soomaaliya si loo soo Afjaro dhaxdhexaadnimada somaliya ee ku aadan arimaha khaliijka

Dowladda Qatar ayaa  ku dhawaaqday in  Soomaaliya ay ku caawineyso lacag dhan 200 oo milyan oo doolar si loo soo Afjaro dhaxdhexaadnimada somaliya ee ku aadan arimaha khaliijka kadib wafdi ka socda Qatar oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Qatar ayaa sheegtay in lacagtaan ay ugu deeqday Soomaaliya laguna hormarin doono dhinaca dhaqaalaha Caafimaadka waxbrashada dhismaha wadooyin badan iyo adeegyada kale ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee sanduuqa hormarinta Dowladda Qatar Khilaaf bin jaasim Al-kawaari oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya kana caawin doonto dhinaca kaabayaasha Bulshada.

Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Jamaal Macalim Xasan oo sidoo kale warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay Qatar kaga mahad celineyso Lacagta ay ugu deeqday Islamarkaana si wanaagsan looga faa’ideysan doono hormarinta Bulshada iyo wax ka qabashada dhibaatada Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in Lacagtaan ay ku soo aaday xilli ay Soomaaliya ay aad ugu baahantahay lacagtaan ayna dabooli doonto baahiyo badan.

Heshiiskan ay maanta kala saxiixdeen Soomaaliya iyo qadar ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ay lahaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay si loo taabageliyo maashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah, waxaana mashaariicda ay kala saxiixdeen ka mid ahaa shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo go’aan dhax dhaxaad ah ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya wadamada Khilaajka ayaa wadamada xiisada u dhaxeyso ee khaliijka ayaa u tartamaya in ay kala jiitaan Dalkaan colaadda ay la dagtay islamarkaana garab ka raadinaya beesha Calamka.

Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee aada magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada SHabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.

Waxaa kale oo ay sheegeen in ay qeyb ka qaadan doonaan shaqo abuurka dhallinyarada,sidoo kale dhismayaasha Waddooyinka ayey sheegeen in ay shaqo badan ka heli doonaan Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wafdiga ka socday Dowladda Qadar ayaa balanqaaday in lacagtaasi lagu bixinayo mashruuca horumarinta uu bixindoono Sanduqa  Caalamiga ah ee horumarinta Dalka Qadar.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Heshiiska

1) Dhismaha Xarunta Xisbiga : Dowladda Qatar ayaa dayactir ku sameyn doonto Xaruntii hore ee Xisbiga oo la doonayo inay hadda kadib noqoto Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo meesha uu dagi doono.

2) Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta: Heshiiska la kala saxiixanayo ayaa waxaa kamid ah in dib loo dayactiro Dhismaha wasaaradda Qorsheynta.

3) Dhismaha Wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Jowhar: Dowladda Qatar ayaa dhiseyso jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Jowhar oo ah mid aad u burbursan, waxaana laga dhigi doonaa Wadado laami ah oo loo dhisi doono qaab Casri ah.

4) Dhismaha Jidka isku xiro Muqdisho iyo Shabeelada Hoose: Sidoo kale heshiiska la kala saxiixanayo ayaa waxaa kamid ah dhismaha jidka u dhaxeeyo Muqdisho iyo Shabeelada Hoose.

5) Mashaariic laga fulinayo Gobolada dalka: Sidoo kale Dowladda Qatar ayaa mashaaric hormarineed oo aad u weyn ka fulin doonto qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya
6)Mashaariic Horumarinreed oo Gobolka Banaadir iyo Gobolada kale laga fulinayo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.