Home Afsomali Dowlada Qadar Oo Shacisay Inaan Dalkeyda La Geyneen Somalidii Ku Dhawacantay Zoope...

Dowlada Qadar Oo Shacisay Inaan Dalkeyda La Geyneen Somalidii Ku Dhawacantay Zoope Balse

Dowladda Qatar ayaa ku yaboohday kaalmadii ugu weyneyd ee deeq caafimaad ah oo loo fidiyo dhaawacyada Qarixii weynaa ee magaalada Muqdisho ka dhacay Sabtidii 14-ka Oktoobar.

 Yabooha Qatar ayaa lasoo gaarsiiyay dowlada Soomaaliya, waxayna dowladda Qatar balanqaaday in bixiso dhammaan kharashka ku baxaya dadka ku dhaawacmay Qarixii Muqdisho, isla markaana ay diyaarisay Diyaarad caafimaad oo markiiba qaadi karta 70 qof.

Dowladda Qatar oo sheegtay inay Isbitaallada Doha aanay u diyaarsaneyn la tacaalidda dhaawacyo fara badan ayaa dowladda Soomaaliya u sheegtay in dal kasta oo loo qaadayo dhaawacyada ay diyaar ula tahay diyaaradii qaadi lahayd iyo bixinta kharashka ku baxaya daaweynta dhaawacyada.

Guddiga Gurmadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira inuu helo dalkii loo qaadi lahaa dhaawacyada, iyadoo arrintan u baahan tahay isku xir iyo farsamo si loo diyaariyo isbitaalada dalalka deriska ah si loogu daweeyo dhaawacyada, waxaana dalalka la soo hadal qaaday ku jira Kenya iyo Suudaan. 

Diyaarad caafimaad oo qaada 70 qof oo dowladda Qatar ay diyaarisay ayaa dib loo dhigay maanta iyadoo dhaawacyadii ugu darnaa loo qaaday Turkiga, isla markaana aanay diyaar ahayn isbitaallada dal kale xilligan.

Waa taageeradii caafimaad ee ugu weyneyd oo dal u fidiyo dhaawacyo waxyeelo kasoo gaartay gudaha Soomaaliya, waxayna dhaawacyada ay dowladda Qatar balanqaaday inay dhammaan dhaawacyada oo ka badan 300 qof ay bixineyso kharashka caafimaad ee ku baxaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.