Dowlada Russia oo qasab ku askareyneysa dhalinyaro Somali
Dhalinyaro Soomaali ah oo waxbarasho iyo Tahriib u tageen Magaalada Moscow ayaa xaaladooda laga soo deyrinayaa.
Somalidaan ayaa qarka u saaran in xoog lagu Askareeyo kadib-na lagu shubo furumaha dagaalka u dhexeeya Ukrein iyo Russia.
Shakiga iyo Cabsida arintaan waxaa ka dhawaajiyay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Dalka Blurusia kaasoo xusay in xabsiyada ay ku jiraan Soomaali badan.
“Hadii ay Dowlada Somalia ka soo gaari weyso dhalinyyaradaan waxaa macquul ah in Dowlada Russia askareyso kadibna Ukrein ka horgeyso”ayuu yiri Gudoomiyaha.
Masuulkaan oo laftigiisu Jaamacad ka dhigto Blurusia ayaa sheegay inta badan dhalinyaradaan 60 ruux ka badan inay tahriib u ahaayeen wadanada Yurub balse hada xaalku ku adag yahay..
“Safir ku xigeenka Somalia u fadhiya Russsia ayaa Soomaalidaan lacag uga qaatay $400 qofkiiba inuu u sameeyo Dukumentiyo Somaliya ugu laaban lahaayeen’wuuna ka dhuuntay markuu lacagaha ka urursaday”ayuu yiri gudoomiyaha .
Dowlada Russia waxaa fursad u noqon kara qofkii sharci heysan iyo midkuu ka dhaco intaba madaama markii hore dalkooda lagu tagay arimo waxbarasho