Home Afsomali Dowlada Somaliland oo Dowlada Puntland ka qabsatay Dhul hor leh

Dowlada Somaliland oo Dowlada Puntland ka qabsatay Dhul hor leh

Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland oo uu hoggaaminayo Taliyaha qeybta Gobolka Sanaag ugu Magacaaban Soomaaliland ayaa waxaa ay gaareen magaalada Dhahar ee gobolkaas.
Warbaahinta Soomaaliland ayaa baahisay in Ciidamada uu hoggaaminayo Janeraal Muuse Jaamac Delef oo ugu magacaaban Somaliland taliyaha Ciidamada qeybta Gobalka Sanaag ay magaalada Dhahar la wareegeen.
Warar madax banaan ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidan dheeraad ah oo kasoo kicitimay degaanka Yube oo katirsan Sanaag ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhahar oo masaafo ka yar 50KM u jirta Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.
Puntland weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Soomaaliland,hayeeshee waxaa xusid mudan in Ciidamada Soomalailand iyo Puntland inay horay ugu dagaalameen degaanka Tukaraq iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolada Sool iyo sANAAG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.