Home Afsomali Dowlada Soomaaliya oo ogolaatay in ay magdhaw ka bixiso dadkii lagu laayay...

Dowlada Soomaaliya oo ogolaatay in ay magdhaw ka bixiso dadkii lagu laayay howlgalkii ka dhacay deegaanka Bariire

Waxaa xal laga gaaray dadkii dhawaan Ciidamada dowlada iyo Ciidamo kale oo wehliya ku dileen Deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana goordhaw meydadka dadkii la dilay lagu aasay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, Waxgaradka iyo ehelada dadka lagu laayay deegaanka Bariire ayaa ugu dambeyn isku afgartay in meydadka oo mudo isbuuc ah filinjeer ku jiray lawada aaso.

Salaad Janaaso ah oo lagu dukaday meydadka 10-qof oo lagu dilay deegaanka Bariire ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiil, Siyaasiyiin iyo qaar kamid ah ehelada dadka la dilay.

Dowlada Soomaaliya ayaa ogolaatay in a magdhaw ka bixiso dadkii lagu laayay howlgalkii ka dhacay deegaanka Bariire, waxaana wararka aan helneyno sheegayaan in dowlada qofkiiba magdhaw ahaan uga bixineyso lacag ku dhaw 100-kun oo Dollar.

Natiijada baaritaankii lagu sameeyay dadkii lagu dilay howlgalkii Bariire ayaana wali la shaacin, waxaana xubnihii baaritaankaasi loo xil saaray si hoose natiijada ula wadaageen ehelada dadka la laayay, waxaana suurto gal ah in lasoo bandhigo natiijada baaritaanka kasoo baxday. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.