Home Afsomali Dowlada Soomaaliya oo sheegatay in ay la wareegtay gacan ku heyntii ispitalka...

Dowlada Soomaaliya oo sheegatay in ay la wareegtay gacan ku heyntii ispitalka banaadir iyo shaqaalihii ispitalka oo ka canabanayo mushaar la.aan iyo arimo kale

Isku soo bax ay sameeyeen shaqaalaha iyo maamulka ka howlgala ispitalka Hooyada iyo dhalaanka ee banaadir  waxaqyna kaga canabayeen xaalad liidata oo soo wajahaday

Qaarkood oo gudaha ispitalka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in aysan heysanin daryeelkii looga baahnaa in laga helo ispitaal ee maamulsho dowlada iyo xukuumada uu garwadeenka ka yahay raiisal wasaare kheyre waxeyna ku eedeeyeen in ahmiye gaara siinin ispitalka hooyada iyo dhalaanka ee shaqeynayey 30 kii sano ee ugu danbeysay

Dadkaan oo iskuugu jira dhaqaatiir iyo shaqale kala duwan oo ka howlga ispitalka hooyada iyo dhalaanka ee banaadir ayaa wasaarada caafimaadka waxaa ay ku eedeeyey in ay fara galin ku heyso hour socodka howlada baaxada leh ee ispitalku bulshada uu qabto sida ay sheegeen qaarkood waxayna sidoo kale sheegeen in ay la,yihiin xaquuqdoodii ayna ka fursan waayeen in ay ku shaqeeyaan si tabarucaad ah

Dhamaantood ayaa si isku mid ah dowlada iyo madaxda sare ee dalka u diray baaq gaar ahaa madaxweynaha oo ay ka codsadeen in laga daayo caburinta loona keeno agabyada uu ispitalku u baahan yahay sida mushaarka iyo daawooyinka bukaanadu u baahan yihiin

dowlada soomaaliya gaar ahaa wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in ay la waregtay gacan ku heyntii ispitalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.