Home Afsomali Qofka Wanaagsan Waa Midka Sumcada Dalkiisa Ay Koow u tahay!

Qofka Wanaagsan Waa Midka Sumcada Dalkiisa Ay Koow u tahay!

Qofka Wanaagsan Waa Midka Sumcada Dalkiisa Ay Koow u tahay!Socdaalkii Dheeraa iyo ku safridii Baasaboorka Soomaaliga.

Waxa uu ahaa safar qiima badan oo aan jecleystay iima ahayn safarkii iigu horeeyay ee aan ka safray dhulkeygii Hooyo balse waxa uu ii ahaa safarkii ugu horeeyay ee aan ka baxay qaarada aan kasoo jeedo ee Afrika.

Waxa uu ahaa socdaal hadiyad ah oo naftu ay u baahneed waxa ay indhaheygu soo barteen maalmo kooban casharo badan oo ku saabsan Bilicda wadamada Horumaray, is jaceelka, Tanaazulka, iyo kala danbeenta intaba waxaa lagu helaa macaanka iyo qiimaha Dowladnimo.

Aniga iyo dad badan oo wadaniyiin ah waxa aan ku hamin jirnay in dalkeena uu noqdo Dal dadkiisa ay qiima leeyihiin Dal Baasaboorkiisu uu qiima leeyahay Dal qofkii ka baxa naftiisa uu mar labaad kusoo aamini karo hubaal maanta intaas bilowgeeda wuu muuqdaa.

Waxaan ku safray Baasaboorkeyga Soomaaliga waliba anigoo la i sharfayo la ina ixtaraamayo ayaa waxaan ka duulay Jomo Kenyatta International Airport(JKIA) kuna tagay Paris, France Paris Aéroport – Charles de Gaulle (CDG) maalmo kadibna kusoo laabtay Baasaboorkeyga Soomaaliga kuna soo degay isla garoonki aan maalmo ka baxay waa mahad alle u sugnaatay.

Dad badan oo asxaab, walaal iyo waalid ah iguma raacsaneen go’aankeyga soo laabashada aan kusoo laabtay qaarada Afrika balse nafteyda waxa ay ii sheegtay in aan Hormuud u ahay dhalinyaro badan oo wata baasaboorka aan wato ee Soomaaliga fursada aan helayna heli doona lkn waxaan go’aansaday in aan wadada guusha aniga wasaq gaarsiinin oo aan ku laabto dalkeyga ajaaniibta aan wada socnayna tuso in dalkeyga uu yahay dal lagu kalsoonaan karo.

Soomaaliya waa ma huraan hadaan mowtka iga dilin mashaqo kalana igu dhicin meelna ugama socdo.

!!Marinkii dalxiiska Muqdisho!!

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.