
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhawaynaysa kacdoonka shacabku ka wadaan Gobolka Bakool ee looga soo horjeedo kooxda argagixisada Al-Shabaab. Al-Shabab, waa koox caadaysatay wax yeelaynta nafta, hantida iyo sharafka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxaana la joogaa waqtigii ummadda Soomaaliyeed ay iska dulqaadi lahaayeen hagardaamadooda. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay sidoo kale soo dhoweyneysaa Kacdoonada lagu wiiqay awoodda kooxda argagixada ee Al-Shabab, oo Shacabku kaga horyimaadeen gobolada Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Hiiraan.
Dowladdu, waxay si xoog leh ugu baaqaysaa dadweynaha Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan la dagaalanka Al-Shabaab ee duulaanka ku ah Diinta, Dadka, Dalka, Hanitda iyo dowladnimada ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, dowladdu, waxay Shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in Al-Shabaab ay si xoog leh u wiiqantay bilihii la soo dhaafay, ayna dowladda isku soo dhiibayaan hor joogayaal iyo maleeshiyo ka tirsan kooxdaasi.