Home Afsomali Dowladda oo shaacisay inay la wareegtay degmada Xardheere

Dowladda oo shaacisay inay la wareegtay degmada Xardheere

Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa gudaha u galay degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa hadda baaritaan ka wada xaafadaha degmada, halkaas oo muddo sanado ah ay maamulayeen Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur jakaarta ayaa xaqiijiyay qabashada degmadw Xaradheere.

Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowlwdda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa kusii qul qulaya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, kuwaas oo doonaya inay isku fidiyaan degaannada kale ee Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.